Waxqabadka Hawlaha Nafaqada ee Ceeldheer iyo Xarardheere oo rajo gelisay hooyooyinka iyo carruurtooda Imprimer

Badalkii ay Shukri oo labo sano jir ah ay la ciyaari lahayd carruurta asaageeda ah, ayaa waxa ay hooyadeeda ku heysaa dhabta iyadoona ay ku sugan tahay xarunta adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ee Ceeldheer. Neefsigeeda waa mid sareeyso, dhaqdhaqeeda waa uu liitaa tan iyo markii la dhalay. Dhammaan jirkeeda waxaaa hoos u dhigay oo daciifiyey nafaqo daro.

 

Carruurta nafaqo darada ay ku heyso Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa da’dooda guud ahaan waxa ay tahay carruurta 5ta sano ka yar. Cimilada jirtaa waa mid kulul oo aysan xamili Karin carruurta iyadoona ay u dheertahay abaarro iyo daadad, waxa kaloo ay u nugul yihiin carruurta dabeylaha jira.

 

Cilmi baaris uu dhawaan mashruuca habka noolasha Shacabka lagu ogaanayey ee CISP ay fuliso lagu ogaaday in shacabka ku nool Ceeldheer ay boqolkiiba lixdan iyo afar (64%) ay dhaqaalo ahaan u helaan wax ka yar Konton dollar ($ 50) sanadkiiba. Marka dalqaligaasi yar loo eego, aad bey ugu adagtahay dadka inay helaan baahiyaha asaasiga u ah noolashooda gaar ahaan  waxaa ku adag in carruurtooda ay u helaan cunada iyo daryeel caafimaad.

 

Axmed oo ah isku duwe caafimaad oo ku sugan Ceeldheer ayaa waxa uu hogaamiyaa Koox shaqaalo caafimaad  oo wareega, waxa ayna shaqaalahani caafimaad ay qoysaska ku booqdaan guryahooda si ay u qiimeeyaan heerkooda nafaqo. “ Mararka qaar waxa aynu aragnaa carruur nafaqo daro heyso oo aad u liito unugyadooda dhan ay jarjarmeen barar awgii, waa wax laga naxo”. Ayuu yiri Axmed.

 

Carruurta xanuunsan waxa ugu horeyn la dhigaa goobaha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ee Ceeldheer iyo Wahweyn halkaasi oo lagu siiyo cunto gaar ah, kadibna waxaa loo soo gudbiyaa Isbitaalka Degmada Ceeldheer  hadii daryeel dheeraad ah loo baahdo.

 

Inta ay socdaan booqashooyinka ay kooxdaasi caafimaad xaafada ku tagto, ayaa bulshadana waxaa la baraa cuntooyinka saxda ah, calaamadaha nafaqo darida si ay ugu helaan carruurtooda nafaqo marka ay caalamadahaasi ay ku arkaan ayna ula xiriiraan xarumaha caafimaad.

 

Intii u dhexeysay bishii Febraayo ee 2012-kii iyo Bishii Novermber ee 2013-kii waxaa la cabiray tiro carruur ah oo kor u dhaafeyso Labaatan kun iyo afar boqol (20, 400) kuwaa oo laga miisamayey nafaqo daro.

 

Faadumo Sahal waa hooyo lix carruur ah heysta, seddex kamid ah carruurteeda waxaa laga diiwaangeliyey labadii sano ee ugu dambeysay barnaamijka nafaqada ee ka socda Isbitaalka Xaradheere, dhawaana wiilkeeda ugu yar ee lagu magacaabo Saadiq ayaa qeyb ka noqday barnaamijka quudinta, “ Waxa aynu imaanaa isbitaalka labo maalin isbuuciiba, isbadal wanaagsan baan ku arkay canugeyga Al-Xamdullilah” ayey tiri hooyadaasi. Hawlaha caafimaad ee dadka la gaarsiinay ma ahan kuwa caqabad la’aan ah, taa oo sababi karto bacaadka ama carada oo adag, shaqaalaha caafimaadka ma gaarin karaan meelaha qaar.

 

“Kaliya gawaarideena gawaarideena ayaa ah kuwa awood leh oo macaadka aan ugu bixi karno” ayuu yiri Axmed isagoona intaasi ku dar, ‘gawaarida noocaan ah waxa ay inta badan cunaan  shidaal badan. Shidaal yarina guud ahaan halkaan wey ka jirtaa, xitaa markii gaariga u adkeysto ciladdaha matoorka, waxaa halkan ka adag in alaabo badal ah laga helo’.

 

Iyadoo Marxalado adag ay jiraan ayaa hadana shaqaalaha caafimaad waxa ay hawlo muhiim ah u hayaan noolasha shacabka ku nool Ceeldheer iyo Xarardheere. ‘ Markii aan halkaan canugeyga kenayey waxaan ka walwalsanaa caafimaadkiisa. Laakiin maanta waxa uu caafimaad qabaa, rajo fiicana wu leeyahay. Waxaan ugu mahadcelinayaa shaqaalaha caafimaadka adeegii caafimaad oo ay u fidiyeen canugeyga. Waxaan ahay hada qof wax la baray, waxaana hubin doonaa sidii carruurteyda mar kale aysan u noqon dhibanayaal la ildaran nafaqo daro’, sidaa waxaa tiri Shurkri hooyadeeda oo lagu magacaabo mama Khadija Kulmiye.

 

Waxaa hubaal ah in shacabka ku nool Ceeldheer iyo Xarardheere ay u badan yihiin dad sabool ah islamarkaana shaqaalaha caafimaad ay door muhiim ah ka sidii adeeg caafimaad ay u gaarsiin lahaayen shacabkooda.