Barnaamijka waxbarashada ee CISP Imprimer

Barnaamijka waxbarashada ee CISP waxaa uu ka kooban yahay laba waxyaabood oo waaweyn:

Waxbarashada ka horreysa tan aasaasiga ah iyo waxbarashada aasaasiga ah

Arrinta aan diiradda saarno

80% carruurta Soomaaliyeed dugsi ma tagaan sababo ay ka mid yihiin saboolnimo, tas-hiilaad la’aan, barokaca qoysaska, takoorka dheddig-laboodka ku dhisan iyo ka-tirsanaanshaha ay ka tirsan yihiin kooxaha nugul iyo kuwa laga tiro badan yahay ama qoysas reer guuraa ah daraaddood. Si wax looga qabto arrimahan, ayaa barnaamijka CISP waxaa uu diiradda saaraa degaamada miyiga ah ee fog ee la dayacay, waxaa uu wax ka qabtaa baahiyaha daaqsatada reer guuraaga ah iyo Dadka Gudaha Ku Barokacay, waxaana uu isku xiraa dugsiyada qur’aanka iyo dugsiyada aasaasiga ah ee waxbarashada tooska ah.

Xaqiiqooyin iyo tiroooyin:

Sanadka 2011ka, waxqabadyada waxbarashada ka horreysa tan aasaasiga ah iyo waxbarashada aasaasiga ah ee CISP waxaa ay gaari doonaan:

  • 8,262 carruur ah (kuwaas oo 50% ay gabdho yihiin oo 15% ay Dad Gudaha Ku Barokacay yihiin);
  • 48 dugsi (39 dugsiyo la wada dhigto ah iyo 9 dugsiyada xerooyinka Dadka Gudaha Ku Barokacay ah);
  • Shan Degmo (saddex ku yaalla Galgaduud iyo labo ku yaalla Koonfurta Mudug);
  • Macaahid waxbarasho oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin: dugsiyada waxbarashada tooska ah ee aan diinta ku dhisneyn, xarumaha barashada qur’aanka, dugsiyo ku-meelgaar ah oo kuwa barokacayaasha iyo kuwa reer-guuraaga ah, kuwaas oo badidoodu ay ku yaallaan degaamada miyiga ah, fog iyo kuwa dadkoodu la riixo ah.

Waxqabadyada ugu waaweyn:

  • Dhisidda iyo dayactirka tas-hiilaad waxbarasho iyo kuwo fayadhowrka iyo nadaafadda biyaha ah oo gabdhaha u habboon;
  • Bixinta agab waxbarasho;
  • Dhiirrigelinta (lacageed) macallimiinta;
  • Tababar ku saabsan hababka wax-dhigista iyo xuquuqaha carruurta
  • Kor u qaadista wacyiga dadweynaha ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo tago waxbarashada tooska ah ee dugsiyada aasaasiga ah;
  • Tababar ku saabsan dhiirrigelinta nabadda iyada oo sal looga dhigayo dugsiyada iyo bulshada;
  • Sameynta guddiyo ilaalin iyo kuwa dheddig-laboodka;
  • Munaaqasho kooxo gaar ah ay yeeshaan iyo xog-ururin.

Degaamada dhuleed

  • Ceell Dheer;
  • Xarardere;
  • Dhuusamareeb.