Dheddig-laboodka PDF Imprimer

CISP waxaa ay aqoonsan tahay in dagaallada iyo aafooyinka dabiiciga ahi ay siyaabo kala duwan u saameeyaan haweenka, gabdhaha, wiilasha iyo ragga. Iyada oo dhinacaas ka eegeysa, ayaa habka CISP ay u wajahdo wax ka qabashada dhibaatada ee marxaladaha kala duwan ee daraasadeynta, iyo sidoo kale qaabeynta, iyo fulinta barnaamijkeeda uu ka muuqdaa kala-duwanaanshaha dheddig-laboodka. CISP waxaa ay sameysaa lafaguris ku aaddan dheddig-laboodka waxaana ay eegtaa kaalimaha iyo mas’uuliyadaha kala duwan ee qaybaha kala duwan ee dadweynaha, iyada oo dooneysa in ay baahidooda u gaarka ah ay dhexgeliso marka la diyaarinayo iyo marka la hirgelinayo barnaamijka.

Iyada oo ay ujeeddadu tahay in si sinnaan ku dheehan loo gaaro gargaarka, fursadaha iyo ka-qaybgalka haweenka/gabdhaha iyo ragga/wiilasha, CISP waxaa ay arrimaha dheddig-laboodka dhexgelisaa dhammaan waxqabadka mashaariicdeeda iyo waaxaheeda. Ujeeddadan daraaddeed, ayaa CISP ay gudaha dalka uga qabatey tababar cinwaankiisu yahay "Barnaamijyo Tixgeliya Arrimaha Dheddig-laboodka oo laga dhex fuliyo Xaaladaha Degdegga ah".

 

Sida ay CISP uga go’an tahay wax ka qabashada arrimaha dheddig-laboodka waxaa ay ka muuqataa sida firfircoon ee ay uga qayb qaadato koox-hawleedyada Guddiga Joogtada ah ee Hay'adaha Ka Dhexeysa ee Arrimaha Dheddig-Laboodka (IASC GenNet) iyo Guddiga Wax ka qabashada Rabshadda Ku Dhisan Jinsiga/Dheddig-laboodka (GBV).

 

Waxbarashada
  • ° CISP waxaa ay hab ku xisaabtamaya arrimaha dheddig-laboodka oo ku saleysan ka-qaybgal ay u martaa fahmidda culeysyada la xiriira isqorista dugsiyada waxaana ay baartaa sababaha ka dambeeya in dhammaan ardayda lab iyo dheddigba leh ee da’ahoodu ay kala duwan yihiin ay uga baxaan iskuullada.
  • ° CISP waxaa ay munaaqashooyin u qabataa kooxo iskujinsi ah si ay uga doodaan caqabadaha wiilasha iyo gabdhaha ka hortaagan dhigashada dugsiyada.
  • ° CISP waxaa ay sahay caafi-dhowr oo ku habboon siisaa gabdhaha si ay deegaan u habboon gabdhaha uga dhex abuurto dugsiyada.
  • ° CISP waxaa ay shaqo-qortaa ayna tababartaa macallimiin haween ah si ay haween uga mid noqdaan shaqaalaha iskuullada.

Fayadhowrka iyo Nadaafadda Biyaha (WASH)
  • ° CISP waxaa ay marxaladda daraasadda/qiimeynta la sameynayo la tashiyo la sameysaa haweenka/gabdhaha iyo ragga/wiilasha si loo soo helo meelo ammaan ah oo aan halis lahayn oo laga sameeyo ilaha biyaha iyo tas-hiilaadka fayadhowrka (musqulaha).
  • ° CISP waxaa ay hubisaa in ilaha biyuhu ay u muuqdaan ayna ku yaallaan meelo 500 mitir u jira degsiimooyinka, si looga hortago halis loo galo rabshad jinsi ku dhisan (kufsi).
  • ° CISP waxaa ay tas-hiilaadka fayadhowrka (musqulaha) u qaabeysaa qaab hubinaya asturnaanta iyo ammaanka ragga/wiilasha iyo haweenka/gabdhaha.

 

Nolol-raadiga/Maciishadda
  • ° CISP waxaa ay marka ay diyaarineyso waxqabadyada maciishadda/nolol-raadsiga iyo barnaamijyada lacagaha bixiya tixgelisaa baahiyaha ku gaarka ah dadka nugul (sida qoysaska ay haweeen u madax tahay, carruurta, iyo xubnaha qabaa’ilka laga tiro badan yahay iyo sidoo kale dadka naafada ah).

 

Caafimaadka
  • ° CISP waxaa ay hubisaa in si simman ay adeegyo caafimaad oo waxtar leh, ammaan ah, oo tayo leh u helaan dhammaan qaybaha kala duwan ee dadweynaha.
  • ° CISP waxaa ay hubisaa in shaqaale haween ah la qoro si ay haweenka iyo gabdhaha u arkaan xirfadlayaal caafimaad oo ay isku jinsi yihiin.
  • ° CISP waxaa ay hubisaa in la-talinta iyo qoraallada xaaladaha loo sameeyo si asturan oo sir ah.

 

Xiriirro Faa'iido Leh

 

 

 

Share

Afeef

Macluumaadka lagu soo bandhigey shabakaddan internet-ka sina ugama tarjumayo fikir siyaasadeed nooca uu doono ha ahaadee oo ay CISP qabto. Magacyada dalalka, gobollada, degmooyinka iyo bulshooyinka waxaa loo adeegsadey keliya in ay fududaato in la garto cidda laga hadlayo mana tilmaamayaan siyaasad ama dhul si gaar ah loo door-bidayo. Magacyada dhulka loo adeegsadey waa kuwa ay adeegsato UNOCHA.