Barnaamijka maciishadda ee CISP Imprimer

Barnaamijka maciishadda ee CISP waxaa uu ka kooban yahay laba waxyaabood:

Beeraha, kaluumeysiga iyo xoolaha

Arrinta aan diiradda saarno

Ujeeddada guud ee CISP waa in la xoojiyo maciishadda bulshooyinka beeraleyda-xoolo-dhaqatada ah iyo kaluumeystada iyada oo loo marayo hab iskujira oo ay ku dhan yihiin ilaalinta xoolaha, wanaajinta caafimaadka xoolaha, horumarinta kaabayaasha iyo kordhinta kartida ay bulshadu ku wajahdo xaaladaha degdegga ah.

Xaqiiqooyin iyo tirooyin:

2009kii, waxqabadyada CISP ee degaanka waxaa ka mid ahaa:

  • 1,491 riyood iyo 200 neef oo geel ah oo la qeybiyey;
  • 200 qoys oo heley 7-8 riyood iyo hal neef oo geel ah;
  • 1,417 qof oo si aan toos ahayn uga faa’iideystey, oo laga soo dhex xushey bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee ay abaartu saameysey, iyada oo dareen gaar ah loo yeelanayo qoysaska ugu nugul.

Sanadkii 2010kii:
  • 800 neef oo riyo ah ayaa loo qaybiyey 200 qoys;
  • Laba balli-biyood ayaaa lagu dayactirey degaanka xoolaha laga qaybiyey;
  • Qayb ka mid ah waddada iskuxirta Hobyo iyo Gaalkacyo ayaa la dayactirey, iyada oo ay ka faa’iideysteen 1,600 qof.

 

Waxqabadyadeenna:

  • Xoolaha: Adeegyo caafimaadka xoolaha lagu wanaajiyo, lagulana soconnayo cudurrada laguna daweynayo ayaa la fuliyey;
  • Kaluumeysiga: doomo ayaa la qeybiyey waxaana la dayactirey waddooyinka degaamada xeebaha ku xira magaalooyinka waaweyn, si loo wanaajiyo oo loo fududeeyo soo qaadista alaabada dhaqso isu xumaata;
  • Kheryaad/hanti dib loo qaybiyey: xoolo ayaa la soo iibiyey oo dibna loogu qeybiyey dadka aan wax haysan;
  • Lacag shaqo ku beddelasho: lacago lagu bixiyo shaqo (sida dayactirka waddooyinka iyo goobaha biyaha laga dhaansado);
  • Gaaritaanka suuqyada: bixinta kaabayaal, iyo sidoo kale gashiga beeraha iyo xoolaha.

Degaamada dhuleed:

Mudug:

  • Hobyo;
  • Wisil;
  • Gawan.

Galgaduud:

  • Ceell Dheer;
  • Mereeg;
  • Bilicile;
  • Quruuraxle;
  • Bocle;
  • Higale.

Eeg halka ay CISP ka shaqeyso