| Barnaaminka ilaalinta ee CISP |

Ilaalinta kooxaha nugul PDF Imprimer

 

Tan iyo horraantii Sagaashameedyadii tiro sii kordheysa oo dad Soomaali ah ayaa lagu khasbey in ay ka cararaan degaamadii ay weligood degganaayeen si ay uga baxsadaan saameynta dagaalka sokeeye. Waqtigan la joogo, kumanaan qof ayaa weli ku barokacaya iskahorimaadyo hubeysan oo degaanno gaar ah ka dhaca iyo masiibooyin dabiici ah, sida abaaro iyo fatahaado. Dhammaadkii 2009kii, ilaa 1.5 milyan qof oo Soomaaliya ku nool ayaa lagu qiyaasey in ay barokaceen1. Maaddaama qofka uu ammaankiisa ku xaqiijin karo in uu ka tirsanaado bulsho iyo qabiil, ayaa Dadka Gudaha Ku Barokacay, iyo gaar ahaan haweenka iyo carruurta ka mid ah, ay noqdeen kuwo aad u nugul. Mararka qaar carruur, dadka naafada ah, waayeel iyo haween uur leh ayaa ay xubnaha kale ee qoysaskoodu uga qaxaan halkii ay joogeen. Maaddaama aaney haysan nidaamkii caadi ahaan ilaalin jirey, ayaa Dadka Gudaha Ku Barokacay iyo dadka aan lala socon ay soo wajahaan rabshado ba’an, sida: rabshadda jinsiga ku dhisan (kufsi), in loo gacan-qaado, tahriibin, carruurta oo askar laga dhigto, iyo xadgudubyo kale oo xuquuqaha bani’aadamka ah. Maalgelinno laga helo dowladda, bulshada rayidka ah, kooxaha diinta iyo ganacsatada gaarka ah ayaa waxa ay gaaraan saami aad u yar oo ka mid ah dadka baahan.

Taageerada CISP ay siiso dadka barokacay

Gobolka Galgaduud waxaa uu ka mid yahay degaamada ay sida weyn ugu soo qulquleen dadka ka soo qaxaya degaamada colaaddu ka jirto sida Muqdisho, Hiiraan iyo degaamada kale ee ku hareereysan ee ay saameeyeen iskahorimaadyada iyo aafooyinka dabiiciga ah. CISP ayaa mashaariic ka waddey degmada tan iyo 1995tii iyada oo bixineysa taageero la siinayo waaxaha caafimaadka iyo nafaqada, waxbarashada iyo Fayadhowrka iyo Nadaafadda Biyaha iyada oo hawlahaa ka fulineysey xarunteeda isuduwidda ee ay ku leedahay Dhuusamarreeb.

 

Khariidadda waxqabadka ilaalinta ee CISP

> Click on the map

 

 

 

 

 

1 UNHCR Somalia 2009

 

 

Share

Afeef

Macluumaadka lagu soo bandhigey shabakaddan internet-ka sina ugama tarjumayo fikir siyaasadeed nooca uu doono ha ahaadee oo ay CISP qabto. Magacyada dalalka, gobollada, degmooyinka iyo bulshooyinka waxaa loo adeegsadey keliya in ay fududaato in la garto cidda laga hadlayo mana tilmaamayaan siyaasad ama dhul si gaar ah loo door-bidayo. Magacyada dhulka loo adeegsadey waa kuwa ay adeegsato UNOCHA.