Barnaamijka caafimaadka iyo nafaqada ee CISP Imprimer

Barnaamijka caafimaadka iyo nafaqada ee CISP waxaa uu ka kooban yahay saddex waxyaabood:

Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah

Arrinta aan diiradda saareyno

In kasta nabadgelyo-xumo ay ka jirto bartamaha Soomaaliya, haddana CISP waxaa ay bixinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo kan degdegga ah ka waddaa Mudug iyo Galgaduud. CISP waxaa uu dadaalkeedu ku wajahan yahay daryeelka caafimaadka ka hortagga ah iyo kan nafaha lagu badbaadiyo, oo badanaaba ku wajahan dadka ugu nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta shan sano jirka ka yar.

Xaqiiqooyin iyo tirooyin:

Sanadkii 2010kii:

    • 15 Xarumaha Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ah ayaa la taageerey;
    • Bukaan-socod wadartoodu tahay 90,887 ayaa soo booqdey, kuwaas oo ay ka mid yihiin 32,541 carruur 5 sano jir ka yar;
    • Ilaa 3,000 carruur ay da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 59 bilood ayaa lagu guuleystey in laga daweeyo Nafaqo-xumo Aad u Ba’an;
    • 6,116 carruur ah ayaa si buuxda loo tallaaley;
    • 1,977 ayaa laga umuliyey;
    • 15,550 haween ah ayaa taageero la siiyey intii ay uurka lahaayeen.

Waxqabadyada ugu waaweyn:

  • Tallaal;
  • Daryeelka ka horreeya dhalmada;
  • Ka umuliyn: (tan caadiga ah) daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha;
  • Nafaqeyn (carruurta <59 bilood): baaritaanka nafaqada, daaweynta carruurta nafaqo-xumada ba’an iyo tan dhexdhexaadka ah ay hayso iyada oo lagu daweynayo barnaamijyada daaweynta bukaan-socodka iyo kuwa quudinta dheeriga ah.

Degaamada dhuleed

  • MCH: Ceell Dheere, Xarardere, Dhuusamareeb and Hobyo;
  • Nafaqada: South Mudug and Galgaduud;
  • Daryeelka Uurreyda iyo Umulaha (ee aasaasiga ah): Dhuusamareeb hospital and Xerale MCH.