| Barnaamijka caafimaadka iyo nafaqada | Taariikhda Waxqabadka Caafimaadka ee CISP’s |

Caafimaadka iyo nafaqada PDF Imprimer

Soomaaliya waxaa ka jira tilmaamayaasha caafimaadka ee ugu xun dunida oo dhan. Sida ay sheegayaan qiyaasihii ugu dambeeyey, dadka Soomaaliyeed keliya 20% ayaa heli kara daryeelka caafimaadka aasaasiga ah. Mid ka mid ah shantii carruur ahba waxaa uu dhintaa ka hor inta aanu shan sano jirsan mid ka mid ah afartii carruur ahba waxaa haysa nafaqo-xumo. Nisbada hooyooyinka umul-raaca ayaa Soomaaliya ay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya dunida oo dhan (1,000 ayaa dhimata 100,000 ee nolol ku dhalaba). Nisbooyinka tallaalka ayaa ah kuwo aad u hooseeya (sanadkii 2008dii tallaalka DPT3 waxaa uu gaarey keliya 31%). Qaaxo iyo duumo (malaariya) ayaa ku baahsan degaamo dhowr ah oo dalka ka mid ah. Caabuqa HIV, in kasta oo uu ka hooseeyo 1%, ayaa waxaa uu yahay cudur welwel laga qabo. Kaabayaasha caafimaadka, meelaha ay weli ka jiraan, waxaa ay hawlgalaan iyaga oo aan haysan daawooyinkii, qalabkii iyo shaqaalihii tababarnaa ee lagamamaarmaanka u ahaa.

Dadaalka caafimaadka iyo nafaqada ee CISP

Waaxda caafimaadku muhiim ayaa ay u ahayd CISP tan iyo markii ay hawlaheeda bilowdey bilowgii Siddeetameeyadii. Nafaqada, caafimaadka taranka, tallaalka, cudurrada faafa iyo kaabayaasha caafimaadka ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee ay CISP ka taageerto waaxdan, marka lagu daro waxbarashada caafimaadka iyo karti-dhiska shaqaalaha caafimaadka iyo bulshooyinka.

 

Khariiradda waxqabadka caafimaadka iyo nafaqada ee CISP

 

 

Share

Afeef

Macluumaadka lagu soo bandhigey shabakaddan internet-ka sina ugama tarjumayo fikir siyaasadeed nooca uu doono ha ahaadee oo ay CISP qabto. Magacyada dalalka, gobollada, degmooyinka iyo bulshooyinka waxaa loo adeegsadey keliya in ay fududaato in la garto cidda laga hadlayo mana tilmaamayaan siyaasad ama dhul si gaar ah loo door-bidayo. Magacyada dhulka loo adeegsadey waa kuwa ay adeegsato UNOCHA.