Ma tahay xubin ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan meel ay CISP ka shaqeyso? Ka-qaybqaado Shirarka Waxqabadka

CISP waxaa ay ogsoon tahay in xubnaha ka tirsan bulshada Soomaaliyeed laga yaabo in aaney heli karin internet, sidaa daraaddeedna waxaa ay go’aansatey in:
a- Ay shirar waxqabadka ku saabsan oo joogto ah ay ku qabato goobaha aan ka shaqeyno;
b- ay Wararka Hawsha, oo laga soo daabacay shabakadda internet-ka, ku soo bandhigto looxa macluumaadka ee xafiiska CISP, kaas oo uu fiirsan karo qof kasta oo daneynaya.
Shirar waxqabadka ku saabsan oo Joogto ayaa qayb ka ah Dadaalka Xisaabtanka ee CISP ee ay la xisaabtamayaan ka-faa’iideystayaasheeda. Shirarka Internet-ka waxaa lagu qabanqaabiyaa xafiisyada gudaha ee CISP si Wararka Hawsha ee shabakadda CISP ay ugu soo bandhigaan degaanka gaarka ah ee ay ka shaqeyso ee lagu qabanayo shirka. Shirarku waxaa ay u furan yihiin qof kasta oo doonaya in uu ka qaybgalo waana fursad xubin kasta oo bulshada ka mid ah uu ku hadli karo uuna jawaab-celintiisa ku bixin karo. Nala soo xiriir si aad u ogaato waqtiga la qabanayo shirka nagu soo fool leh.

 

 

Share

Afeef

Macluumaadka lagu soo bandhigey shabakaddan internet-ka sina ugama tarjumayo fikir siyaasadeed nooca uu doono ha ahaadee oo ay CISP qabto. Magacyada dalalka, gobollada, degmooyinka iyo bulshooyinka waxaa loo adeegsadey keliya in ay fududaato in la garto cidda laga hadlayo mana tilmaamayaan siyaasad ama dhul si gaar ah loo door-bidayo. Magacyada dhulka loo adeegsadey waa kuwa ay adeegsato UNOCHA.