CISP Waxa ay Barbar Taagan Tahay Dadka Soomaaliyeed Imprimer

Iskahorimaad, nabadgelyo-xumo aad u ba’an, abaaro soo noqnoqda oo daba-dheer, nafaqo-xumo ba’an, barokac ballaaran iyo geeri ay sababaan cudurro la daweyn karo ayaa qayb yar un ka ah dhibaatooyinka badan ee haysta dadka Soomaaliyeed.

Adeegyada bulshadu iyo kaabayaasha ayaa ah kuwo aan dad ku filneyn. Markii uu bilowdey dagaalka sokeeye sanadkii 1991, kaas oo ay ka sii horreeyeen sanado shiddo ay jirtey ayaa qayb ka ahaa in ay sii xumaato xaaladda bani’aadamnimo, taas oo keentey in uu dalku noqdo mid ay ka jirto xaalad degdeg ah oo dabo-dheer.

 

Bilowga ballanqaadka/dadaalka CISP

Horraantii siddeetameeyadii koox ka kooban dhakhaatiir caafimaad, dad bartey cilmiga bayalojiga iyo xirfadlayaal dhallinyaro ah ayaa yimid Soomaaliya si ay u soocaan (u soo ogaadan) baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira. Sanadkii 1983 ayaa Guddiga Caalamiga ah ee Horumarinta Dadka (CISP) si rasmi ah loo dhisey  waxaana hawlahiisii ugu horreeyey uu ka bilaabey Soomaaliya, isaga oo bixinaya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo waxbarashada caafimaadka oo la siiyo kooxaha dadka nugul ee gobolka Jubbada Dhexe. Laga soo bilaabo bartimihii Siddeetameeyadii ilaa 1990-kii, CISP waxaa ay Barnaamij Daryeelka Caafimaadka Aasasaiga ah ka fulisey degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe. Barnaamijka waxaa dhiirrigeliyey mabaa’diida Shirkada Alma Ata ee Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah. Tan iyo waagaa CISP marna ma dayacin dadka Soomaaliyeed intii ay ku jireen taariikhdooda nasiib-darrada ah.

 

Dagaalka sokeeye – Taageerada degdegga ah ee CISP.

Intii uu socdey dagaalkii sokeeye sanadihii 1991-1992, ayaa dad ka badan 300,000 qof ay u dhinteen gaajo, cudur ama waxaa lagu diley dagaalka. Dad badan ayaa ku khasbanaadey in ay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan dalalka deriska ah, ama ay u guuraan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Sanadahaas ayaa gobolku waxaa uu gelayey muddo dheer  oo ay socdaan dagaallo qabaa’ilka u dhexeeya, burcadnimo iyo macluul. In kasta oo ay xaaladda nabadgelyadu ay culeys lahayd, haddana CISP waxaa ay awooddey in ay sahay caafimaad, daryeelka caafimaadka asaasiga ah iyo cunto ay gaarsiiso dadka barokacay, iyo in ay taageerto dugsiyada aasaasiga ah iyo barnaamijyo barashada akhris-qoraalka ah oo ay ka fulisey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Min ka soo kabasho dagaal ilaa horumarin bulsho

Laga soo bilaabo 1995 waxqabadyada CISP waxaa ay qayb ka qaateen dib-u-dhiska jilicsan ee gaabiska ku socda ee dalka iyada oo taas u mareysa awood-siinta bulshada. Iyada oo wax ka qabaneysa baahiyaha kooxaha dhibban iyo kuwa jilicsan ee bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, ujeeddada guud ee CISP waa in ay taageerto geeddi-socodka horumarka ee gudaha dalka. Muddadan, CISP waxaa ay bilowdey waxqabadyo kuwii hore ka qaabeysan, isku-dhexjira oo muddada fog ku jiheysan, kuwaas oo baahiyaha bulshada si guud loo tixgelinayo si ballaarran wax looga qabanayo.

 

Waqtigan la joogo

CISP waxaa ka go’an in ay hubiso in taageero waarta oo joogto ah ay siiso bulshooyinka magaalooyinka, kuwa miyiga iyo reer-guuraaga ku nool degaannada ay ka hawl-gasho, iyada oo ka-faa’iideysaneysa is-aaminaadda, xiriirka adag ee soo jireen ah iyo wadatashiyo joogto ah oo la yeelanayey lana dhisayey sanado badan. Maanta CISP waxaa ay diiradda saareysaa shan waaxood oo waaweyn: caafimaadka, waxbarashada, maciishadda, ilaalinta iyo biyaha iyo fayadhowrka.

In kasta oo ay dadaal joogto ah ay waddey, haddana waxqabadyada CISP waxaa la soo gudboonaadey dhowr jeer oo ay maaliyaddu ka kala go’dey, taas oo ay sababtey siyaasadaha maaliyad-siinta ee hay’ado badan oo deeq-bixiyeyaal ah ay qaateen. Waqtiyadaan ayaa bulshada iyo qurba-joogtu ay hawshii wax ka galeen, iyaga oo soo ururiyey maaliyado ay ku taageerayaan waxqabadyada CISP, waxaana arrintaas tusaale u ah Dugsiga Ceel Dheer.
Eeg  Waaxaha ay ku hawlan tahay CISP.
Eeg Degaamada ay ka hawlgasho CISP.
Eeg Xaqiiqooyinka CISP ee Soomaaliya.

 

Hay´adda iyo Xafiisyadeeda

CISP waxaa ay hawlaha ay u hayso dadka Soomaaliyeed ay ka xiriirisaa xafiiskeeda weyn ee Nayroobi, iyo xafiisyada gudaha dalka ka furan ee ku kala yaalla Ceel Dheer, Xarardheere, Koonfurta Gaalkacyo iyo Dhuusa-marreeb, iyo taageero ay bixiyaan mashaariicda wareega iyo saraakiisha korjoogteynta iyo La-hawlglayaasha degaanka iyo kuwa caalamiga ah

Eeg Qaab-dhismeedka KooxdaCISP.