Fariimo ay jeedinayaan qaar kamid ah hooyooyin ku sugan Magaalada Muqdisho Imprimer

Adeegyada Caafimaad ee lacag la'aanta ah oo ay bixiyaan xarumaha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ah  taageero caafimaad oo aad  loogu baahan yahay in ay helaan  hooyooyinka iyo carruurtooda kuwa oo xarumahaasi la'aantooda aysan heli lahayn daryeel caafimaad.

 

Xarunta Caafimaad ee Hooyada iyo dhallaanka ee degmada Boondheere ayaan kula hadalnay labo hooyo oo kamid ah hooyooyin halkaasi u tagay inay helaan adeegyo caafimaad iyaga iyo carruurtooda.

 

Xaawo waa hooyo 30 sano jir ah oo dhashay 10 carruur ah

"Seddex kamid ah carruurteyda waxa aan ku dhalay xaruntan caafimaad ee Boondheere. Canugeyga ugu dambeeyey ee lagu magacaabo Axmed waxa aan xaruntan ku dhalay Bishii Maarso 2013-kii, waxaana taageero weyn aan ka helay hawlwadeenada xarunta. Maanta waxa aan u keenay Axmed in la i tallaalo, 7 carruur ah waxa aan ku dhalay guriga, waxaana maray dhibaatooyin fara badan oo ay  kamid ahayd inaan si aad ah u dhiig baxay dhalmada kadib, dhalmadana aan aad ku dhibooday. Waxaan ku faraxsanahay in haweenka iyo carruurtoodaba ay halkaan imaan karaan, adeegyada waa lacag la'aan, inaan helno aqoon caafimaad waxa ay naga caawineysaa in carruurteena aan ka ilaalino inay xanuunsadaan.  Tanina waxa ay tahay kalsoonida aan u qaaday isbitaalkan oo aan dib ugula soo laabtay canugeyga halkan".

 

Maryan waa Hooyo 20 sano jir ah oo heysata 3 carruur ah

"Waxaan u mahadcelinayaa xarunta caafimaad ee Boondheere. Aniga, Hooyadeyda iyo seddexeyda carruur waxaan halkaan ka helnay adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah. Waxaan helaa 3 dollar markii aan shaqeeyo, waxaana ku taageeraa qoyskeyga. Waxaan ahay haweeney la furay, waxaana la noolahay hooyadeyda oo da' ah, waxaan ahay qofka kaliya ee ay sugaan qoyskeyga. Shaqadeyda waxa ay tahay inaan dadka dharka u dhaqo guryahana aan u nadiifiyo. Waxaan kacaa subax kasta aroortii meelaha ayaan u aadaa in qoysaska aan weydiyo hadii ay u baahan yihiin in dharka loo dhaqo ama guryaha laga nadiifiyo. Mararka qaar waxaan guriga ku laabtaa anigoo aan wax shaqo ah helin gurigana anigoo wax lacag ah aan heysan baan ku laabtaa,"