| Barnaamijka maciishadda ee CISP |

Waaxda maciishadda PDF Imprimer

Soomaalidu waxaa ay ku nool yihiin xaalado maciishadeed oo culus. 43% dadku waxaa ay ku nool yihiin wax ka yar 1 doolarka mareykanka ah maalintii; waxaana 73% ay ku nool yihiin wax ka yar 2 doolarka mareykanka ah maalintii1. 65% dadweynaha waxaa ay ku nool yihiin xawaalado ay qaraabadooda uga soo diraan dibadda, beero-falasho iyo xoolo-dhaqasho, iyada oo xirfadaha mushaaraad lagu heli karona ay yar yihiin. Waaxda kalluumeysiga waa mid aan si wanaagsan u kobcin waxaana culeys ku noqdey meel lagu keydiyo iyo gaadiidka oo ku yar.

 

Demographic InformationVery PoorPoorMiddleBetter-off
Boqolleyda dadka oo loo qaybiyey xoolahooda 10 30 45 15
Dadka 5,910 17,730 26,600 8,870
Celceliska inta qof ee qoyskiiba ka kooban yahay 7 7 8 11

Isha laga heley: UNDP Somalia, 2005

 

Xaaladda haqab-beelka cuntada ayaa sii xumaaneysa taas oo ka dhalatey saameynta isbiirsatey ee meertada roobka yar, xoolaha dhammaadey, tirada xoolaha suuq-galka ah oo yaraatey, wax-soo-saarka caanaha oo yaraadey iyo qiimaha badarka oo aad u kordhey. Fursado maciishadeed oo kale oo aan jirin, kuwaas oo ay la socdaan fursadaha waxbarasho iyo kuwa shaqo oo yar ayaa uga sii daraya xaaladda, kuwaas oo saameyn culus ku yaalanaya guud ahaan dadka gaar ahaan dhallinyarada.

 

Dadallada maciishadda la xiriira ee CISP

Sanadkii 2009kii, CISP waxaa ay ballaarisey baaxadda hawsha ay ka waddo bartamaha Soomaaliya (Galgaduud iyo Koonfurta Mudug) si ay u taageerto maciishadda dadka jilicsan ee beeraleyda-xoolo-dhaqatada ah, kaluumeysatada iyo bulshooyinka Dadka Gudaha Ku Barokacay, oo ku dhex nool xaalad iskahorimaad dabadheer iyo degganaan la’aan siyaasadeed. Ujeeddada CISP ay arrintan ka leedahay waa in ay bixiso taageero degdeg ah, oo uu la socdo xal waara oo dhinaca waaxaha beeraleyda-xoolo-dhaqatada ah iyo kaluumeysiga. Intaa waxaa dheer, barnaamijka CISP waxaa uu ku wajahan yahay ganacsi-abuurayaasha Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah oo doonaya in ay ganacsiyadooda ay badiyaan ama ay bilaabaan hawlo cusub oo dakhli soo geliya.

 

Khariidadda waxqabadka maciishadda ee CISP

> Click on the Map

 

 

 

 

 

 

1FNSAU 2010

 

 

Share

Afeef

Macluumaadka lagu soo bandhigey shabakaddan internet-ka sina ugama tarjumayo fikir siyaasadeed nooca uu doono ha ahaadee oo ay CISP qabto. Magacyada dalalka, gobollada, degmooyinka iyo bulshooyinka waxaa loo adeegsadey keliya in ay fududaato in la garto cidda laga hadlayo mana tilmaamayaan siyaasad ama dhul si gaar ah loo door-bidayo. Magacyada dhulka loo adeegsadey waa kuwa ay adeegsato UNOCHA.